Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRDA )

2/16/2013 5:40:00 P

inta la ogyahay hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaan loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga buuxiyey isla markaanka la dhigay halkka gawaarida la dhigto kaasi oo markii uu qarxay burburiyey gidarada gubayna ilaa 8 gaari oo nooca raxada ah



Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax xoogan galabta abaarihii 3:00dii galabnimo ka dhacay afaafka hore ee Baarka Liido Sea Food oo ku yaalla xeebta degmada C/casiis ee gobolka Banaadir, taasoo ay ka cunteeyaan, dad isugu jira saraakiil iyo madax ka tirsan dowlada, qurbajoog iyo dad shacab ah.


Qarax xooggan ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taal Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Qaraxa oo ka dhacay iridda laga galo maqaayadda gaar ahaan  qeybta gaadiidka lagu baakimo ee maqaayadaas ayaa waxaa lagu fuliyey gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.


qarax ayaa dilay mid ka mid ka mid ahaa ilaalda maqaayada waxaana uu dhawacyo kala duwan ka soo gaareen nin iyo naag .


Ilaa imika ma cadda khasaaraha rasmiga ah eee ka dhashay qaraxaasi, haseyeeshee warar hordhac ah ayaa sheegaya in uu ku dhintay hal ruux isla markaasina ay ku dhaawacmeen laba ruux kale, kuwaasoo ah dad rayid ah oo ku sugnaa maqaayadda iyo shaqaale isugu jiray .


Wixii faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxa qaraxaas iyo weliba khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay waan idiin soo gudbin doonaa haddii uu Ilaah idmo.

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com