Shirkad cusub oo fududeyneysa keenista iyo dhoofinta badeecadaha oo ka howlgashay Dekada Muqdisho ( DAAWO SAWIRADA )
Xafladii furitaanka shirkadaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay ganacsato,iyo mas’uuliyiin sida Maareeyaha dekada Xamar C/laahi Cali Nuur,Xildhibaan Prof.C/raxmaan Ibbi,Gudoomiyaha rugta ganacsiga C/kariin Gabayre,ganacsato kale iyo madaxda shirkada cusub.
Waxaa dekada Muqdisho ka howl bilaabay 22 sano kadib shirkad fududeyn doonta guud ahaan badeecadaha dalka yimaada iyo kuwa ka dhoofa taasoo loogu magac daray Simatech shipping islamarkaana qaban doonta adeeg 22 sano ka hor dalka ugu danbeysay.
Xafladii furitaanka shirkadaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay ganacsato,iyo mas’uuliyiin sida Maareeyaha dekada Xamar C/laahi Cali Nuur,Xildhibaan Prof.C/raxmaan Ibbi,Gudoomiyaha rugta ganacsiga C/kariin Gabayre,ganacsato kale iyo madaxda shirkada cusub.
Shirkadaani cusub waxay guud ahaan badeecadaha ku keeni doontaa ama ku dhoofin doontaa Konteenaro aad u badan kuwaasoo iminka dekada la soo gaarsiiyay waxaana ka hadlay xaflada iyo wax qabadka shirkada mas’uliyiin kala duwan.
Ugu horeyn waxaa saxaafada la hadlay Gudoomiyaha shirkada cusub Yacquub Abuukar Cali kaasoo sheegay in badeecadaha dalka yimaada oo awal dhib badan lagu qabay sidii dalka lagu keeni lahaa ay iminka si fudud ku keeni doonaan dalka iyadoo aaney jirin badeecad dalal kala duwan marba laga soo rarayo.


Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka shirkada Cusub Ismaaciil Gooni ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxay shirkadaani qaban doonto ama uga duwan tahay shirkadihii hore waxaana uu sheegay inay mas’uul ka noqon doonto shirkada badeeco kasta oo la dalbado ku keeni kuna qaadi doonto kunteenar xifdin doona badeecadahaasi.
“shirkadaani 22 sano kadib waxay soo celineysaa adeegii badeecadaha sida tooska ah looga keeni jiray dalalka dibada iyadoo ay meesha ka bixi doonto badeecad shiinaha laga soo qaaday oo dubai lagu furo kadibna la soo qaadayo,hada waxaasi way dhamaadeen badeecada toos ayaa looga keeni doonaa aduunka meesha ugu danbeysa si fudud iyo waqti kooban ayaana dalka lagu keeni doonaa”ayuu yiri Ismaaciil gooni

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )