Wefdi Uu Hogaaminayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Macdanta Iyo Biyaha Oo Maqaam Miisaan Culus Loogu Qaabilay Magaalada Laasqoray Iyo Degaanada Hoos Yimaada ( DAAWO SAWIRADA )
Waxayna Sheegen In Degaankooda Ay Ubaahan Yihiin Gebi Ahaanba Bahiyaha Aasasiga Ah Siiba Dhinacyada Biyaha, Caafimaadka, Iyo Waxbarashada, Iyagoona Xukumada Somaliland Ka Dalbaday Inay Baahiyahaasi Wax Kala Qabato
Wefdi Uu Hogaaminayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Macdanta Iyo Biyaha Oo Maqaam Miisaan Culus Loogu Qaabilay Magaalada Laasqoray Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Wefdi Culus Oo Uu Hogaminayo Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Cabdisalan Maxamed Xasan Oo Dhowaanahanba Socdaal Shaqo Ku Gaala Bixinayay Deganada Sanaag Bari Ayaa Soo Gaadhay Magalada Laasqoray Waxana Intii An Weftigu Soo Cagadhigan Magaaladasi Laasqoray Lagu Qaabilay Degaanka Xabaasha Aw Cali Halkaaso Dadka Degaankasi Ay Weftiga Wasiirka Uga War Bixiyen Baahiyahooda Aasasiga Ah
Waxayna Sheegen In Degaankooda Ay Ubaahan Yihiin Gebi Ahaanba Bahiyaha Aasasiga Ah Siiba Dhinacyada Biyaha, Caafimaadka, Iyo Waxbarashada, Iyagoona Xukumada Somaliland Ka Dalbaday Inay Baahiyahaasi Wax Kala Qabato
Sidoo Kalena Waxa Weftigu Soo Indha Indheeyeen Wadada Buuralayda Geeldoora Ee Isku Xidha Magaaloyinka Badhan Iyo Laasqoray Oo Iyadu Bur Bur Xoogani Ka Muuqdo Waxana Ka War Bixiyay Nabadoon Xasan Faarax Waxana Uu Yidhi
“Wadada Geel Doora Waa Wado Qaadimi Ah Ilamaaa 20 Sano Na Waxba Lagama Qaban Waana Wadada Xidhiidhisa Maagaaloyinka Laas-qoray Iyo Badhan Marka Xukumada Somaliland Waxan Leenahay Wax Ha Nalooga Qabto’’
Intaa Ka Dibna Waxa Weftigu Soo Gaadheen Duleedka Laasqoray Oo So Dhowayntooda Diyaar Ugu Ahaayeen Madaxda Maamulka Degmada Saraakisha Ciidamada Qaranka Salaadiin Cuqaal Guurti Iyo Dadwayne Aa Utiro Badan
Waxana Wasiirku Uu Halkaasi Salaan Sharaf Kaga Qaatay Ciidamada Qaranka Taliyaha Guutada Laasqoray Maxamed Salaax Tusbaxle Oo Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Sheegay Inay Weftiga Wasiirka Kusoo Dhowaynaayan Magaalada Laasqoray Waxana Uu Yidhi.
“Weftiga Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Mudane Abdisalam Waa Weftigii U Horeyey Ee Xukumada Somaliland Ee Soo Gaadha Laasqoray Waxan Ku Leenahay Wasiir Soo Dhowow Laasqoray Waa Magaaladadii”
Intaasi Ka Dibna Waxa Weftiga Lo Soo Gelbiyay Dhinaca Gudaha Magaalda Laasqoray Waxana Lagusoo Wareejiyay Shaaracyada Waawayn Ee Faras Magaalaha Magaalada Laasqoray
Kadib Kolkii Weftiga Wasiirka Lasoo Gaadhsiyay Hoygii Loogu Talagalay Waxa Uu Mahad Celiyay Dadwaynaha Reer Laasqoray Ee Aan Soo Dhowayntiisa Ukala Hadhin Waxanu Uu Sheegay Inay Kulamadooda Iyo Shirarkooda Gaar Gaar Ka Ah Yeelan Doonan Inta uu Magaalada Joogo
Weftiga Wasiir Ku Xigeenka Oo Socdaalkisu Salka Ku Hayo U Kuur Gelida Xaalada Degaanada Sanaag Bari Ayaa Kormeer Kusoo Maray Xarunta Cusbitalka Magaalada Laasqoray Saldhiga Ciidamada Policka Xarunta Dawlada Hoose Ee Degmada Xafiiska Iskaashatada Kaluumaysiga Ee Safko Oo Uu Dhamaantoodba Warbixino Ka Dhegaystay
Ugu Dambayntiina Waxa Wasiir Ku Xigeenka Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Soo Dhowaynayo Loogu Qabtay Barxada Dugsiga Hoose Dhexe Ee Magalada Laasqoray
Waxana Munaasibadasi Ka Hadlay Suldaan Xasan Cali Jibriil Iyo Qaar Kamid Ah Odayaasha Degaanka Laasqoray Xubno Ku Hadlayay Afka Ururada Haweenka Ee Alkhayr Iyo Il Jano Oo Dhamaantooddba Tilmaamay In Degmada Laasqoray Saamigeedi Xukumada Somaliland Ka Doonayso Sidoo Kalena Wasiir Ku Xigeenka Ku Tilmaamay Masuulka Keliya Ee Somaliland Taarikhda Abid Soo Gaadha Magalada Laasqoray
Gaba Gabadii Munaaasibadasina Waxa Ka hadlay Wasiir Ku Xigenkaa Macdanta Iyo Biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan Waxanu Yidhi “Reer Laasqoray Waxan Uga Mahad Celinayaa Sida Wanaagsan Ee Kalgacalka Iyo Dawlad Jeceylka Leh Ee Ay Iigu Soo Dhoweeyen Magaalada Laasqoray Waxanan Leeyahay Waad Mahad San Tihiin Intaa Hadan Ka Imaado Dadka Reer Laasqoray Baahiyahooda Waan Tixi Gelin Doona Dawladana Iyo Xukumada Jamhiriyada Somaliland Waa Kula Noqon Doonaa Waxna Waa Lagala Qaban Doona Insha Alaah Waan idiin Balan Qaadaynaa Inaan Mar Dambe Cabasho Kasoo Yeedhin Laasqoray”
Isku Soo Wada Duubo Weftiga Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha Ayaa Socdaalkoodu Salka Ku Hayaa Ukuur Gelida Gebi Ahaanba Xaalada Degaanada Sanaag Bari Waana Weftigii U Horeyay Ee Taarikhda Abid Socdaal Ku Taga Maagalada Laasqoray

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )