Mulkiilaha Shirkadda Al-Nuur oo ka mid Noqday 100-ka Qof ee loo Xulay Haldoorka Somaliland
mutaystay dedaalkiisii shaqsi ee uu noloshiisa ku sameeyey iyo doorkii firfircoonaa ee uu ka ciyaaray horumarinta adeegyada Arrimaha bulshada labaatankii sanno ee Somaliland jirtay
Mulkiilaha shirkadda Qalabka Guryaha iyo Xafiiska ee Al-nuur Furniture, Cabdiraxmaan Maxamed Nuur ayaa ka mid noqday boqolkii qof ee loo xulay haldoorka Jamhuuriyada Somaliland oo xaflad bilado lagu gudoonsiinayay munaasibad maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qayb galeen, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, masuuliyiin, Salaadiin, Cuqaal iyo marti sharaf tiro badan, ayaa maanta lagu soo afmeeray barnaamijka Qiimee Qofkaaga si aad Qiime u yeelato oo sannadkii ina dhaafay dhexdiisii ka bilowday Somaliland, kaas oo shacabka reer Somaliland kusoo xulanayeen 100 ka qof ee ugu mudnaa mudaddii labaatanka Sanno ahayd ee Geeddi-socodka dhismaha Somaliland lagu soo jiray.
Bandhigan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka qiimaynta qaranka ee SONEC, ayaa ahayd gunaanadka iyo natiijadii ka soo baxday daraasad loogu codeeyey 100-kii qof ee dedaalada wax ku ool-ka ah ku sameeyey naftooda iyo bulshadaba. Dadkan la soo xulay ayaa iskugu jiray siyaasiyiin mansabyo kala duwan dalka soo qabtay ama imikaba xil haya , culimaa-udiin, abwaano, dadka u dooda xuquuqda aadamaha, gacansato, dadka ka shaqeeya horumarka Bulshada iyo shakhsiyaadka naftooda horumariyey.
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Nuur ayaa isagu biladan ku
mutaystay dedaalkiisii shaqsi ee uu noloshiisa ku sameeyey iyo doorkii firfircoonaa ee uu ka ciyaaray horumarinta adeegyada Arrimaha bulshada labaatankii sanno ee Somaliland jirtay, taas oo wiilkan da’da yar keentay inuu cod kaga kasbado bulshadii ka qayb gashay codaynta barnaamijkan dadkii ku soo baxay ee biladaha hantay, loona gartay inay maanta kadib ku suntanaadaan Kaalinta HALDOORnimo ee loo xushay.
mutaystay dedaalkiisii shaqsi ee uu noloshiisa ku sameeyey iyo doorkii firfircoonaa ee uu ka ciyaaray horumarinta adeegyada Arrimaha bulshada labaatankii sanno ee Somaliland jirtay, taas oo wiilkan da’da yar keentay inuu cod kaga kasbado bulshadii ka qayb gashay codaynta barnaamijkan dadkii ku soo baxay ee biladaha hantay, loona gartay inay maanta kadib ku suntanaadaan Kaalinta HALDOORnimo ee loo xushay.
Shirkadda Agabka guryaha iyo xafiisyada caanka ku ah ee Al-nuur oo Cabdiraxmaan uu aas-aasay sanadii 1993-kii, ayaa ka sokow agabka ay bulshada u keento, waxa ay faa’iidada ka hesho badh kamid ah ku celisa bulshadii ay ka dhex heshay.
Shirkadda Al-nuur waxa ay sanadkiiba hal-mar Dhar Ciidda kaga farxisaa boqolaal ka mid ah carruurta ku nool xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay ka qayb qaadataa adeegyada bulshada, sida dhismayaasha waddooyinka.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )