Dad Somali ah oo lagu dhaxtoogtay Masaajid ku yaal gudaha Xerada Dhadhaab

2/21/2013 5:34:00 P

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay dadkaani ugu galen masaajid ku yaal Xerada Qaxootiga ee dhadhaab kadibna ay fudud isaga baxsadeen Markii ay dilku fuliyeen .


Wararka laga helayo dhulka soomaalida ee N.F.D ee ayaa sheegaya in Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari lagu toogtay ilaa 6 ruux oo soomaali ah kuwaasoo loogu galay masaajid.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay dadkaani ugu galen masaajid ku yaal Xerada dhadhaab kadibna ay fudud isaga baxsadeen halkii dilku ka dhacay,sidoo waxaa jira dad rasaasta ku dhaawacmay kuwasoo isbitaalada loola cararay.
Sidoo kale guud ahaan dadkii la laayay ayaa iyagana isla maanta lagu aasay duleedka Xerada dhadhaab ee gobolka Waqooyo bari kanya, ilaa iminka si rasmi ah looma yaqaan cida ka daneysa dilalkaasi.
Goobjooge ayaa saxaafada u sheegay  in dadka qaar isla dhexmarayeen in dilkaani salka ku hayo aanooyin qabiil walow aaney Dowlakda kenya si rasmi ah uga hadlin.
Maaha markii ugu horeysay oo dhadhaab si bareer ah shacab ama askarta kenya loogu dilo hore ayayna u dhacday in dad shacab ah rasaas la dhacay si bareer ah


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com