Munaasabadani caruurtan Soomaaliyeed ee cadurada kala duwan
qaba ayaa maanta lagu soo bandhigay howlka shirarka isbitalka
Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Waxana ka soo qeyb galay munaasabadasi maamulka isbitalka Banaadir
Drs.Luul Max’ed Maxmuud Drs .caasha Cumar Axmed oo ah
dahqtarad ka howlgasha ispitaalo ku yaal dalka dibadiisa ,Agaasimaha
ururka Haweenka ee Cogwo Sahro Maxmed qaar ka mid ah dhakhaatiirka
ka howlgasho magaalada Muqdisho, qeybaha warbaahinta iyo weliba
waalidiinta caruurtaasi.
Ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadashay Drs Luul Max’ed
Maxmuud oo sharaxaad ka bixisay dhibaatoyinka kala duwan ee
curuurtaani ay qabaan ee dalka gudihiisa wax looga qaban wayay
wexyena mid mid u sharaxday mid walba cudurka uu qabo baaritaanada
lagu sameeyay iyo sida wax looga qaban wayay.
Drs. Luul ayaa shaacisay in maanta caruur farabadan oo ku nool
gudha dalka ay qabaan dhibaatooyin ay la daala dhacayaan waaladiinta
dhalay isla markaana maanta ay u mahad celineyso ururka Haweenka
Cogwo iyo Cabdi Muuse Maaxaay oo gacan ka geystay carurutani
dhiban ee Soomaaliyeed in uu bad baadiyo isagoo u diyaariyay
dalka dibadiisa qaliimo lagu bad-baadinayo caruurtaas Soomaaliyeed.
.JPG)
“waxaan halkaan ka sheegeenaa in caruur farabadan ay isbitaalka
Banaadir ay ku jiraan oo qaba xanuuno kala duwan oo ay ka mid
yihiin kuwo u baahan qaliin deg-deg ah iyo kuwo cuduro rabaani
ah oo ku dhacay caruur bilooyin jir ah oo korkooda go’goay
waxaana badankoodu wax looga qaban waayay isbitalkani aan ku
jira ee Banaadir iyo weliba isbitaalada kale ee dalka gudihiisa
sidaas sheegtay Drs. Luul.
.JPG)
Drs caasha Cumar Axmed oo ka howlgasha qaar ka mid ah ispitaalada
dalka dibasiisa ah oo ka hadlaysa munaasibada lagu soo bandhigay
ilaa ku dhawaad 10 caruur somaliyeed oo la ildaran cuduro kala
duwan iyo dhawacyo wax looga qaban waayey dalka gudihiisa ayaa
waxaa ugu horeyntii ay balan qaaday in dhamaan cudurada xaga
wadnaha ah ee wax looga qaban waayey dalka gudihiisa ay iyadu
gacan mugleh ka geysan doonto sidii caruurtas ispitaalo dalka
dibadiisa ah loogu daaweyn lahaa waxayna shegtay in ay horey
howl sidaan oo kale ah uga qeyb qadatay isla markaana ispitaalo
dibada ah ugu soo daaweysay caruur haatan ka soo bogsoday cuduradii
haayey .
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashay agaasimaha ururka Haweenka
Cogwo Sahro Maxamed Axmed oo iyadana sheegtay in maanta ay fursad
u tahay ummadda Soomaaliyeed kuwooda dhibaateysan inay u kacaan
qeybaha kala duwan ee ganacsatada Soomaaliyeed waajibna tahay
in la bad-baadiyo dhalaan badan oo iminka ay sheegtay inay la
ildaran yihiin xanuuno rabaani ah iyo kuwa xaaladooda Qatar
ku sugantahay oo qaliimo u baahan qaar kood.
waxana ay u mahad celisay Sahara Dr.Cabdi Muuse Maaxaay oo howshani
bilow geede iska lahaa.
Dr.Lul Max’ed Maxmuud
Caruurta maanta lagu soo bandhiga ispitalka Banadir ayaa kala
ahaa sidaan:-

1.C/lahi Macalin C/bdale waa wiil 4 sano jir ah kaas
oo buro weyni kaga taal daanka midig waxna lag aqaban waayey
dalka guhiiisa
.JPG)
2.C/raxmaan Xasan maxamed waa wiil ku dhashay isaga
oo bararan ka dibna uu jirkiisu isu bedelay mid dildilacayo
marba marka ka daneye waxayna hooyadii sheegtay in uusan seexan
Karin xili kasta .waxna uusan cuninisla markaana waxay shegtay
in uusan naaska hooyada jiqi Karin hooyo Canab Xasan Cabdulahi
ayaa intaa ku dartay in xiligii ay uurka laheyd ay cuni jirtay
daawada dhiska ayna cuntay in ka badan 400 xabo oo kaniini ah
.JPG)
3.Miicaad cabdixamiid waa wiila 6-sano jir ah isla markaana
uu haayo cudurka kilyaha isaga oo la sheegay in ay kilyihiisu
madow yihiin sida ay dhaqaatiirtu shegtay.
.JPG)
4.Iqro Cabdi waa gabar 7-sano jir ah uu jirkeedu dil
dilaaya iyada oo lagu shubay dhiig jiran xili ay 5-bilood jir
aheyd iyada oo ku sugneyd gaalkacyo xiigaa wuixii ka danbeeyeyna
cudurku uu haayey .
.JPG)
5. Faadumo Cabdulaahi 18 maalmood jir nabar uga soo
baxay dhabarka.
.JPG)
6.yaxye macalin qaasin waa wiil sano jir ah waxaana
laga hayaa xubinta taranka oo aan so muqan isla markaana ka
kaadiya xudunta hoosteeda iyada oo aan dhaqtaradu waxba uga
qaban Karin dalka gudihiiisa.
.JPG)
8.Maxamed Muhudiin Yabarow wuxuu liqay firinbi caag ah isaga
oo ispitalka jiifay 72 habeen balse la ogaaday in firinbigii
uu caloosha ka hoos marey isla markaana dadaal ay wada galeen
Samafale Cabdi Muuse Maaxaay +cogwo+iyo qaar ka mid ah jaaliyadaha
dibada ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in maanta laga duuliyo
dalka ugaandha halkaasi oo dib loogu soo celin doono kanya magaalada
Nairobi si loo geeyo dhaqtar halkaasi loogu diyariyey.
Hadaba waalidiinta caruurtaani oo sheegay
in aanan u heli Karin Daawo iyo daryee ku filan caruurtoodi
isla markaasina ka soo jeeda qoosas sabool ah ayaa waxa saxaafada
lagu soo bandhigay in ay soo kaalmeeyaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed
ee dibadaha ku nool Hay’adaha iyo shirkada sida gaarka
ah loo leeyahay si loogu badbaadiyo caruurtaaniSoomaaliyeed.
.JPG)
.JPG)
Hadaba ciddii dooneysa in ay caawiso wiilkaas iyo hooyadii oo
ka soo jeeda qoys dan yar ah, waxa ay la soo xiriir karaan si
uu u helo gargaar caalami ah waxaa isku taagay in uu wax u qabto
Cabdicasiis Muuse Maaxaay iyo kooxdiisa waxayna aabaha wiilka
dhalay u sheegeen in ay wax u qabanayaan islamarkaana aduunka
u bandhigayaan iyaga oo sanduuq uga furey shirkada xawaalada
ee dahabshiil ama ku dir cinwaanada hoos ku qoran:-
Hadii aad rabtid inaad caawinaad ka gaysatid
arinkaan fadlan la xariir
Aabiyo Isse @ 612-298-1044 oo joogta Magaalada Minneapolis
MN
Hadii aad joogtid Ohio Fadlan la xariir Luul Abdirahman @614-515-1389
Hadii joogtid Haddii joogtid
Magaalda Nashville Fadlan la xariir Qali Salaad @ 615-554-4398
Maryan Hilowle oo joogto Toronto
416-742-3852 Canada
Maryan Mahdi Ottawa 613-261-0708
Hassan Ali Edmonton 780-965-5093
Abdiaziz Shire oo joogo California
619-254-3294
Rooble Jaamac oo laga helo 612-490-3562
Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044
iyo Rooble Jaamac oo laga helo 612-490-3562
ama si toos ah ula soo xariir
Maaxaay@gmail.com
Fg : qof kasta wixii ay baxsato ilaah ayaa ka abaal marinayo
waana dahab alle agtiis u yaal
Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044 iyo Rooble Jaamac oo
laga helo 612-490-3562
ama si toos ah ula soo xariir Maaxaay@gmail.com
maxameddeeq.c@hotmail.com
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
E:mail admin@somalisan.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Ku
Laabo Bogii hore