Jaaliyadaha
somaliyeed eeku dhaqan dalka dibadiisa oo uu ugu horeyo gudoomiyahay
hay.adda badbadinta caruurta Somaliyeed MR Cabdi Muuse maaxaay
ayaa soo gabagabeeyey wajigi hore howshii ay wadeen oo ku aadaneyd
u gargaarida laba wiil somaliyeed oo wajiga dhaawacyo culus
ka soo gareen kuwaas oo ay xaaladooda cafimad ka dayriyeen dhaqaatiirta
ku sugan dalka gudihiisa
Gudoomiyaha ayaa shaca ka qaaday in wajiga horey uu ahaa sidi
Nairobi lagu keeni lahaa labadaas wiil ayna maanta soo afmeereen
ka dib markii diyarad looga qaaday magaalada Muqdisho waxayna
ispitaal caalami ah ku sugayaan dalka Kenya inta ay joogaana
iyaga in ay xaladooda gacanta ku heyn doonaan ayuu sheegay .
Mr Maaxaay ahaa sidoo kale cadeeyey in uu dhibku intaa k Abadan
yahay loona baahan yahay dhaqaalo intaa ka badan oo carurtaa
dibada lagu geeyo ,wuxuuna jaaliyada somaliyeed ugu baaqay in
ay u soo gurmadaan caruurtaas dhibaateysan oo aan heysan dhaqaale
iyo dad ka danbeeya oo arintooda xalin kara ,
Cabdi Muuse Maxaay “maanta qofka
somaliyeed marka u arko qof sidaas oo kale u dhibaataysan wuu
ka sii naxayaa waxaana umadda somaliyeed ka codsanayaa mar labaad
in ay u soo gurmadaan walaalahooda oo ay Masiibo bini aadan
nimo ka soo gartay dagaalka dalka ka dhacayo ,waxaan rabaa in
si dhaqso ah loogu soo qaado wadamada horey u marey si aan dhamaantayna
u daaweysano “
Gudoomiye Cabdi Muuse Maxaay ayaa mahad gar ah u celiyey Maaxaay
iyo Asaxaabtiisa iyo dhamaan inti ka qeyb qaadatay wax u qabashada
caruurtaan maanta loo duuliyey magaalada Nairobi ee xarunta
u ah dalka Kenya
Laba wiil somaliyeed oo qabtay dhawacyo
calculus oo ka soo garey dagaalada baaxada weyn ee ka socda
dalka somaliya ayaa loo duuliyey magaalada Nairobi ee dalka
kanya ka dib markii ay dhaqaatiirtu sheegeen in aan xaaladooda
caafimaad waxba looga qaban Karin gudaha dalka somaliya .
Labadaan wiil oo qabtay dhaawacyo aad u culus waxaana lagu kala
magacaabaa Axmed maxamed maxamuud wuxuu ku dhawacmay xaafada
tanaad ee agagaarka sayidka iyo Zakariye Saxan Xaashi oo isne
ku dhawacmay deegaanka Jalalaqsi ee gobolka hiiraan ayaa noqonaya
Bukaanadii 52aad ee ay ku guuleystaan in ay dalka dibadiisa
u qaadaan Mr maaxaay iyo Kooxdiisa samafalaayaasha ah oo ay
la kaalmeyneysay hay.adda haween weynaha ee cogwo iyo jaaliyadaha
somaliyeed oo u soo marsiiyey kaalmooyin lacageed waxana jira
kuwo kale oo gacan ka geystay qabanqaabada iyo wax u qabashada
caruurtaan somaliyeed oo ah hagaankii umadda ee barito .
Wiilashaan oo burbur xoogan ka gaaray wajiga isla markaana ay
ka dhasheen qeysas dhaqaale ahaan aan awoodin in ay dalka dibadiisa
ku soo daaweystaan caruurtooda ayaa mid ka mid ah hooyooyinka
oo lagu magacaabo saafi shidane waxaay ay saxaafada u sheegtay
in wiilkeeda uu il ka dhacay isla markaana uu burbur ka gaarey
sanka,faruuryaha,carabka ,daamanka, hadana uu ka neefsanayo
meel ay dhaqaatiirtu ka dalooliyeen oo cumaha ah waxayna intaa
ku dartay in uu ku nool yahay tubo caloosha ku jirta oo uu ka
qaato caano iyo biyo iyada oo jaaliyadaha dbadaha ku nool e
somaliyeed ka codsatay in ay wax u qabtaan si loo badbaadiyo
wiilkeeda Axmed Maxamed Maxamuud oo sided sano jir ah dhiganayana
fasalka labaad ee dugsiga hoose .
Saafi Maxamed Shidane ayaa sheegtay in wiilkeeda iyo iyadaba
isku mar uu soo gaarey dhawacyo kala duwan xili ay laba kooxod
oo is rasaasaynayesa ay dhaxda u geleen waxayna ayaan daro ku
tilmaantay inaysan warba ka heyn kooxdii dhibka geysatay welina
ay caqabad ku yihiin shacabka somaliyeed .
Waxaa kale oo iyane wiilkeeda ka warbixisay hooyada zakariye
Xasan Xaashi oo isaga dhawac ku garey dagmada jalalaqsi oo ka
tirsan G/hiiraan waxyana sheegtay in uu dhibku garay 13/09/09
wiilka oo ka burburey afka ,ciridka ,carabna ma laha wuxuuna
ka neefsanayaa qalab cunaha loogu xirey ka idb markii ay dhaqaatirtu
ka dalooliyeen waxayna sii raacisay in uu haatan ka soo reynayo
intii hore iyada oo cabasho ka mujisay halka uu rashinka ka
qaato oo ah tubo caloosha laga gliyey si uu biyaha iyo caanaha
halkaa uga quuto in kasta oo labada wiil dhawacodu isku dhow
yahay ayey hadana isku si u muuqdaan sida ay neefta ku helaan
iyo sida ay raashinka u helaan waa isku mid .
Sidoo kale waxaa munaasibada qadista labada wiil ka hadashay
gaasimaha hey.adda cogwo Drs Sahro Maxamed Axmed oo shegtay
in hay.adaha calamiga ah iyo kuwoa somaliyeed in ay gacan mugleh
ka geystaan shacbaka dhiban ee ay waxyelada u geysteen dagaalada
aan dhamaadka laheyn ee ka soconaya Gudaha dalka somaliya waxayna
intaa ku dartay in ay jiraan boqolaal dad ah oo u baahan gurmad
iyo caafimaad deg deg ah kuwaas oo aan waxba qabsan Karin isla
markaana qaba nabaro iyo dhawacyo qaarkood laga argagaxo waxaana
soo badanaya sidaa ayey tiri xaalada caruurta iyo haweenka la
ildaran cudurada iyo xanuunada kale
Drs sahro ayaa sheegtay in ay jiraan caruuro somaliyeed oo qaba
dhawacyo sidaan oo kale ah loona baahan yahay in loo qaado ispitaalo
dalka dibadiisa ah waxayna intaa ku dadhay iyada oo hadalkeeda
sii wadata Frs sahro maxamed Axmed in ay gacan bini aa.dan nimo
ka geystaan sidii caruurtaas somaliyeed dalka dibadiisa loogu
soo daweyn lahaa .
.JPG)
Agaasimaha Ispitalka madiina Dr maxamed Yuusuf oo ka warbixinayey
dhawaca garey labad awiil ee somaliyeed ayaa isne tibaaxay in
wiilk Axmed maxamed maxamuud ay ku dhaceen xabadaha lidka diyaradaha
wuxuuna cadeeyey in uu afkiisu burburrey dalka gudihiisana aan
waxba loga qaban Karin halka Zakariye Xasan Xashi ay burbureen
Afka iyo daanka wuxuuna intaa ku darey in ay isku dhageen Zakariye
Dhamxanaga iyo Carabkiisa dhawaca gaarey darted markii horena
uu intaa ka liitay iyaga oo aan neefsan Karin waxna liqi Karin
oo ay dhuunta ka xireyd .
Dr Maxamed Yuusuf ayaa intaa ku darey in markii ay arkeen arimo
badan ay u soo baxday in wiilasha cunaha laga dalooliyo si ay
uga neefsadaan calooshana tubo laga galiyo si ay biyo iyo caano
u geyso calooshooda arintaa oo kaalmaati u noqotay balse aanay
aheyn caafiimaad ku filan wuxuuna xusay in ayarintaas u sameeyeen
si ay u noolaadaan .
.JPG)
Maaxaay iyo Drs KHadiijo ayuu shegay in ay isla hadleen isaga
oo sheegay in hadii ay qaliin fiican helaan wiilshaan ay u fududaadonto
in ay u soo noqoto noloshoodii cagiga aheyd wuxuuna codsaday
in wiilashaan aan lakala reebin isaga oo tilmaamay in ay yihiin
mustaqbalkii barito iyo madaxdi bari
Dr maxamed Yuusuf ayaa soo dhaweeyey dadaalka ay wadaan Mr Maaxaay
iyo tiimkiisa isaga oo ku tilamaamay dhalinyaro si iskood ah
isu xilqaantay oo soo baxday xili ay dalka iyo dadkuba baahi
weyn u qabaan
Wuxaan Sugayno waa inta qoralkaan aqrisata ama ku aragta bogaga
intenetka ama dhageysata codkeyga oo bixisa 10 ,doolar 20 .dooalar
50 doolar iyo ka badan wax isbel ah ayey ka sameyn kartaa qof
walbo wuxuu hor ilaahey ula baxo ogow isaga ayey ka horeysaa
oo ay bangiga alle u taal
arinta wiilashaan ayaa hada waxaa soo gabagabowday wajiga hore
waxaana dhiman intii lagu dhameystiri lahaa ololoha daaweynta
labada wiil ee somaliyeed .
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Hadaba ciddii dooneysa in ay caawiso
wiilkaas iyo hooyadii oo ka soo jeeda qoys dan yar ah, waxa
ay la soo xiriir karaan si uu u helo gargaar caalami ah waxaa
isku taagay in uu wax u qabto Cabdicasiis Muuse Maaxaay iyo
kooxdiisa waxayna aabaha wiilka dhalay u sheegeen in ay wax
u qabanayaan islamarkaana aduunka u bandhigayaan iyaga oo sanduuq
uga furey shirkada xawaalada ee dahabshiil ama ku dir cinwaanada
hoos ku qoran
Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044
iyo Rooble Jaamac oo laga helo 612-490-3562
ama si toos ah ula soo xariir Maaxaay@gmail.com
wararkii
hore halkaa riix
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
E:mail admin@somalisan.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Ku
Laabo Bogii hore