Ciidamo ka tirsan ciidamada dowladda
KMG iyo gaari ay wateen oo isku soo dhiibay Al-shabaa
Oct
6 Source: Somalisan news
Labo ka mid ah ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya iyo
gaari ay wateen ayaa la sheegay inuu shalay isku soo dhiibay
Xarakada Shabaabul mujaahidiin.
Sida warku sheegayo labadan askari iyo gaarigii ay wateen ayaa
waxaa lagu soo bandhigay shalay Xarunta Xisbiga ee Magaalada
Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah labadaasi askari oo warbaahinta
la hadlay uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku biiro Al-shabaab
sida uu yiri.
Waaliga Gobolka Banaadir Xarakada Shabaabul mujaahidiin Sheekh
Cali Maxamed Xuseen oo ka hadlay goobtaasi ayaa sheegay inay
soo dhaweynayaan askartaasi, isla markaasna ay siinayaan xoriyad
ay kula dhex noolaan karaan meel kasta oo ay ku suganyihiin
Ciidamadooda, wuxuuna ugu baaqay ciidamada kale ee dowladda
inay ku daydanaan saxaabiibadooda, isla markaasna ay ku soo
biiraan Mujaahidiinta sida uu yiri.
dhinaca kale gaariga noocaan oo kale
ah oo loola baxsado dhanka mujaahidiinta ayaa waxaa ka dhalan
kara in loo isticmaalo xaga dagaalka oo la isu ekeysiiyo ciidamada
dowlada waxaana suurta gal ah in lala galo goohaba muhiimka
ah iyada oo la adeegsanayo calaamada ku taal ,waxaana hada ka
hor dhacday in loo adeegsaday qaraxii ugu danbeeyey ee lala
galo xarunta Ciidamda AMISOM gari ay ku taal calaamada Q/midoobey
kaas oo geystay qasaare aad u baaxad weyn