|
Dad
Somali ah oo ku nool dalalka Mareykanka, Norway iyo Canada ayaa
waxay kaalmo lacageed u soo direen dad waalan iyo agoon ku dhibaateysan
Magaalada Muqdisho, si ay uga farxiyaan maalmaha ciidda ee soo
socda.
Lacagahan deeqda ah oo lagu iibiyay raashin iyo dhar, qaarkood
loo dhiibay si caddaan ah ayaa waxay samofalayaashan u soo wakiisheen
Wariye Muuse Max'ud Jiisoow, isagoo gudoonsiiyay guddoomiyaha
hay'adda Ahlu-kheyr ee xanaaneynta iyo daryeelidda agoonta iyo
dadka waalan.
Dadka deeqahan soo dhiibay ayaa waxay kala ahaayeen: Xaawo Xaaji
Xuseen oo ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Gobolka Minnesota
waxayna soo dhiibtay US$210, Aamino Cumar Carab oo ku nool Magaalada
Oslo ee dalka Norway oo soo dhiibtay US$200 iyo wiil aan magaciisa
sheegin oo ku nool Magaalada Toronto Ontario ee dalka Canada oo
soo dhiibay US$150.
Wakiilka deeqdan lacageed ayaa Muuse Jiisow oo ka hadlay deeqda
ayaa sheegay in dadkan walaalaha ee soo dhiibay ay yihiin kuwo
ka damqaday dhibaatada haysata agoonta iyo dadka waalwaalan ee
Somalia ku nool.
"Deeqdan waxay qayb ka tahay deeqo
horay loo guddoonsiiyay xarunta, waxaana US$200 oo ka mid ah lacagtan
loogu deeqay caruur agoon ah oo xeradaas lagu xanaaneeyo isuguna
jira wiilal iyo gabdho" ayuu yiri Muuse Jiisow.
Guddoomiyaha xerada Ahlu-kheyr Sheekh C/raxmaan
Macow Xaaji Maxamed oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa uga mahadceliyay
walaalaha deeqdan soo dhiibay, wuxuuna sheegay in lagu soo beegay
xilli ay xaruntu baahi weyn u qabto.
"Xarunta agoonta iyo xanaanada carruurta ee Ahlu-Kheyr waxaa
ku jira agoon tiradoodu gaarayso 340-cunug oo isugu jira 190-wiil
iyo 150-gabdhood kuwaasoo aabayaashood ku waayay dagaallada socda"
ayuu yiri Sheekh C/raxmaan.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka waalwaalan ee ay hayaan ay
tiradoodu gaarayso 20-qof oo isugu jira 16-wiil iyo 4-gabdhood,
isagoo xusay in 70-qof uu ALLE caafimaadkooda u soo celiyay oo
ay xerada ka baxeen, halka 30-qof ay ku geeriyoodeen xerada dhexdeeda
intii samafalkooda lagu jiray.
"Dhammaan shacabka Somalida ah ee ku nool dalka dibaddiisa
iyo kuwa gudaha ku sugan ee ALLE uu hantida siiyay waxaan ka dalbanaynaa
inay gargaaraan dadka walaalahooda ah ee dhibaateysan gaar ahaan
dadka waalan iyo agoonta ah" ayuu yiri Sheekh C/ramaan Macow.
Guddoomiyaha xarunta Ahlu-Kheyr ee xannnaaneynta dadka waalan
iyo daryeelka agoonta ayaa wuxuu ugu dambeyn u mahadceliyay dhamaan
dadkii gargaarka u fidiyay xarunta, isagoo ALLE uga rajeeyay abaalmarin
iyo guul adduunka ah.
.JPG) .JPG)
.JPG) .JPG)
.JPG)
.JPG)
wararka www.somalisan.com
musejisow@hotmail.com
E:mail admin@somalisan.com
Muuse Maxamuud Jiisow
00252-1-5576666
00252-50-907666
|