Fadeexad "Safiirka Somaliya ee Kenya “Anigu wax welwel ah kama qabo in xilka safiirnimo la iga qaado, sababtoo ah waxaan haystaa”

Source: Somalisan news Feb:17

Isagoo ka faa’ideysanaya xilka uu haayo ayuu bilaabay muddooyinkii ugu dambeeyay Safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu soo daabulo lacagaha Shirkadaha Xawaaladaha ee Somaliya oo si qarsoodi ah looga soo dejiyo garoonka Diyaaradaha ee Jumma Kenyati.

Saraakiisha Amniga ee Dowladda Kenya ayaa dhawaan laga soo xigtay in aysan ka war haynin ama aysan soo marin lacagaha Shirkadaha Xawaaladaha ee somaliya laamaha Kenya bankiyada ku yaala dalka Kenya.

Baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Danjiraha Somaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali America ka soo qaado lacagahaas garoonka Jumma Kenyati isagoo Saraakiisha Garoonka u sheegaya in boorsooyinka uu wato ay yihiin docomenti ay leedahay safaaradda soomaaliya.

America oo horey ugu can baxay iibsiga fiisooyinka dalka Talyaaniga ayaa u wareegay inuu soo xamaalo lacagaha shirkadaha Xawaaladaha taasina ay ceeb ku tahay Dowladda KMG ah ee soomaaliya.

“Safiirka ayaa inoo soo qaada lacagaha waayo lacagaheena ma soo maraan Bankiyada dalka Kenya sidaas waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha mid ka mid ah shirkadaha Xawaaladaha.

Safiir America ayaa laga soo xigtay inuu kalsooni ku qabo Saraakiisha Dowladda Kenya sidaas darteedna uusan xil ka qaadi Karin Madaxweyne Shariif Sh Axmed.

Dhaqaalaha ay hesho Safaaradda Somaliya ee Kenya waxaa ka mid ah Hay’adda UNDP ay bixiso kirada Safaaradda iyo mushaarka shaqaalaha, laakiin lacagta 20 Dollar iyo 1000 shilin ee lacagta Kenya ah ee safaaradda ka qaadato dadka basaboorada qaata ayaa ah mid ku dhacda gacanta Safiirka, isagoo maalintii kaliya ka hela lacagahaas ku dhawaad 2000 oo Dollar.

Rajada dadka Siyaasadda ka faalooda ay ka qabaan in is bedel lagu sameeyo maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayaa waxay leeyihiin waxaa la arki doonaa marka la soo kobo Safaaradaha Dowladda Soomaaliya dibadda ku leedahay sida loo qeybsan doono Safaaradaha soo hara, iyadoo Safiirada Kenya iyo Roma ay yihiin kuwa hal beel ka soo wada jeeda iyadoo ay ku heyb yihiin Madaxweyne Shariif Sh Axmed.

Maxamed Cali America oo Xafiiska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladda KMG ah Somaliya ka shaqeyn jiray intii uusan noqon Safiirka Somaliya waxay is khilaafeen ninkii ka dambeeyay inuu xafiiskaas ka shaqeeyo isla markaaana sabab u ahaa in America loo magacabo Safiirka Somaliya, ninkaas oo lagu magacabi jiray Leyto.

Safiir Maxamed Cali waxaa uu ahaa ninkii loo adeegsaday in Shariif Xasan Sh Aadan iyo xubnihii la socday laga eriyo dalka Kenya, howlgalkaas America waxaa uu ku bixiyay lacag jeebkiisa ah oo la siiyay laanta socdaalka Kenya, markaas America waxaa uu kalsooni ka raadinayay madaxweynihii waqtigaas C/llaahi Yuusuf iyo Wasiirkiisa koowaad Cali Maxamed Geeddi.

Safiir America oo dhawaan fadeexaad dhexda ka galay markii xildhibaan maxamed Qanyare ku eedeeyay inuu saxiixay heshiis qarsoodi ahaa oo Xukuumaddii Nuur Cadde la gashay midowga Yurub ayaa sidoo kale America shaaciyay dhawaan in heshiiskaas lagu iibsaday xil mise lagu bedeshay xil kaas oo ah Safiirnimada Nuur Cadde ee Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

“In Nuur Cadde loo magacabo Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga ama Midowga Yurub waxyaabaha sahlay waxaa ka mid ah heshiiskaas dhinaca badda ee dhex maray Dowladdii Nuur Cadde iyo midowga yurub”ayuu yiri America.

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegay isagoo ka hadlayay muranka u dhaxeeya Dowladda KMG ah iyo Maamulka Puntland inuu sabab u yahay murankaas la ciifnimada Ra’iisal wasaaraha dowladda soomaaliya Cumar C/rashiid.

Mar uu ka hadlayay soo koobida lagu sameyn doona Safaaaradaha dibadda soomaaliya ayuu sheegay Safiir America inuu kalsooni ku qabo safiirka Mareykanka iyo Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sh Aadan.

“Inaan booskayga joogi doono aad ayaan ugu rajo weyn nahay, waayo waxaan haystaa fursado arrintaas la xiriirta,xubno ka tirsan Dowladda Kenya waxay ogol yihiin inaan meesha sii jooga, Mareykanka waxaan ka haystaa kalsooni badan, Shariif Xasan waa saaxiibkayga”ayuu yiri America oo la hadlayay rag saaxiibo yihiin oo uu kula kulmay gudaha Safaaradda.

Danjiraha Somaliya ee Magaalada Nairobi waxaa uu sheegay in dhawaan la qaban doono shir dib u heshiisiin qaran maadama uu yiri hoggaanka Dowladda KMG ah waxaa loo baahan yahay in la bedelo mar haddii waxqabad la’aan muddo hal sano ah soo qaatay.

Haddaba la arki doona mustaqblaka Safiirka soomaaliya iyo inta uu sii shaqeyn doono mar hadii uu faraha kala jira arrimo dhawr ah oo ka baxsan nidaamka diblomaasiyadda.


Wariye Jamaal Hassan Ismaaciil


Muuse maxamuud Jiisow
somalisan39@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666