Deeq
lacageed gaareysa $400 oo ay soo dhiibeen gabdhaha Bolton oo la
gaarsiiyey dad jilicsan oo masaakin ah .
Kaalmadaan lacageed oo gaarysay ilaa $400 doolar ayaa la garsiiyey
in ka badan 40 qof oo dhamaantood macduur ah ( dhibaataysan )
kuwaas oo isugu jiray indhoolayaal,jiisas , cuuryaamiinta ay ka
maqan yihiin xubnahoda qaarkood kuwa baraliis ah oo aan awoodin
in ay shaqeystaan kuwaasoo qabay baahi dhaqaale deeqdaan oo ay
iska soo uruuriyeen qaar ka mid ah gabdhaha Bolton ayaa waxaa
lagu soo hagaajiyey Marwo Caasha cusman Ugaas oo iyadu Gacanteeda
ku gaarsiisay dadkaan oo meel gooni ah la isugu keenay si loo
gudoodnsiiyo wixii ka gaari kara qof kasta oo meel laga haayo
ayaana la siinayey .
Gabdhahan ayaa waxaa ay soo wakiisheen Saciido Cumar Cabdule oo
suurta galisay in ay ku soo sinto gacanta Caasha Shaacuur Ugaas
si ay ula qeybsadaan gabdhuhu walaalahoda ku dhibaateysan dalka
gudihiisa dhibka haaya .
Inkasta oo aysan wada dabooli Karin baahida heysata dadkaan lacagta
la soo dhiibey ayaa hadana waxaa ay uga soo baxday meel wanaagsan
sida ay tilmaameen cuuryaamiintii la gaarsiiyey manta oo si wanaagsan
uga duceeyey muna farxay markii loo qeybinayey lacagta kaalmada
ah ,waxayna ilaah uga baryeen in wax ka wanagsan uu ugu bedelo
halkii ay ka soo qaadeen danbi dhaafna uga dhigo sadaqadana u
ilaah ka aqbalo .
.JPG)
Sidoo kale ayaa munaasibada waxaa ka hadhay caasha shaacuur oo
tilmaanta sida ay dadkani ugu baahan yihiin in wax la siiyo waxayna
u mahadcelisay gabdhihii soo xasuusta eek u soo sadaqeystay walaalahooda
dalka gudhiisa ku barakacay qaarkoodna ay ku naafoobeen waxana
sheegtay in gabadha bolton ay markasta walaalahoda y ka garab
tagan tatgeero hiil iyo hooba leh .
Dadka manta sadaqa al siiyey waa dad aan socon Karin isla markaana
xataa aan aqwoodin in ay dadka tuugsadaan oo ay halka ay joogaan
ka dhaqaaqaan waxaana qaarkood goobta laguikeenay gari gacano
iyo baaskiilada cuuryaamiinta lagu riixo caasha ayaa sheegtay
in dadkaani ay ku nool yihiin waxa ay siiyaan walaalaha muslimiinta
ah ee somaliyeed dalka dibadiisa iyo gudahiisaba .
Ugaasada ayaa ugu baaqday in ay dadka wax heysta kaalmeeyaan kuwa
aan waxba heli Karin oo aan qaarkood dabka shidan Karin .
Ma aha markii ugu danbeysay ee ay gabdhaha Bolton deeq sidaan
oo kale ah soo gaarsiiyaan dad Muqdisho Ku dhibaateysan waxaana
jirtay marar badan oo sidaan oo kale ay lagaco kaalmo ah soo gaarsiiyaan
dadka masaakiinta ah ee u nugul dhibaatooyinka Muqdhsho ka dahcaya
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|