Ergeyga QM u qaabilsan soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah ayaa soo dhaweeyay sidda madaxda Africa ay uga go’antahay xasilooni ka dhalata soomaaliya?

Feb:7 Source: Somalisan news

 

Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ku tilmaamay talaabo horey logu qaaday wax yaabixii ka soo baxay shirkii dhawaan madaxda midowga Africa ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa,shirkaasi oo wax yaabaha ugu waaweynaa ee looga hadlay kamid ahayd arrinta soomaaliya.

Wareesi uu siiyay Mr. Ould-Abdallah wakaaladda wararka PANA,ayuu yiri " waxan aad ugu farax sanahay qaabka qotada dheer ee looga wadahadlay arinta soomaaliya,waxan u arkaa in ay tahay arin dhab ah Uma baahno hadda xaalada soomaaliya qaab diplomatic,laakin waxa ay u baahan tahay taageero la taaban karo” ayuu u sheegay wakiilka xoghayaha guud ee QM,ee arrimaha soomaaliya wakaalada wararka Ethiopia,PANA.

Waxaa uu yiri “Madasha shirka waxa uu ahaa mid kala miisan culus,arrinta soomaaliya waxa ay ahayd tan ugu horeysay ee laga wadahadlay,marka wadan guul dareestay,waxa ay u baahantahay in tilaabo hor mar leh in loo qaado siddii uu soo kabsan lahaa ,".

Xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa ka qeyb galay shirka 14-aad ee midowga Africa ee sedexda maalmood uga socday Addis Ababa,waxaana uu ka jeediyay madasha sidda loogu heegan yahay soomaaliya oo ka soo kabsata dagaalada sokeeya ee laharey,

Mr. Ban waxaa uu suxufiyiinta u sheegay intii uu socday kulanka midlwga Africa " 18-sano ee lasoo dhaafay wax dowladda ah kama jirin soomaaliya,laalikin labaddii sano ee la soo dhafay waxaa jirey dowlado KMG ah,”.

Hogaamiyaasha Africa ayaa sedex maalmood shirk u yeeshey xarunta midowga Africa Addis Ababa Mr. Ould-Abdallah waxaa uu yiri dagaalada soomaaliya ka socda waxa ay ahaayeen kuwo dareen goon la siiyay madasha shirka.

Wadamada Algeria, Libya iyo Kenya ayaa kulug lahaa dadaalada kala duwan ee loogu jiro in xasilooni ka dhalato soomaaliya.

Sedexdaasi wadan waxa ay balan qaadeen in ay bixin doonaan tabarbar military iyo in la taageero howgalka midowga Africa (AMISOM) ee Somalia.

Algeria waxa ay kamid tahay dalalkii ugu horeeyay ee balan qaaday in taageersan yihin howgalka AMISOM. Kuna caawin doonaan dhamaan wax kasta oo qalab military oo lagu taageerayo howgalka nabad ilaalinta soomaaliya.

Kenya waxa ay bixisay goob lagu tabaro ciidamada DKMG ah soomaaliya oo dhulkeeda ka tirsan.

Wadamada Burundi iyo Uganda waxaa ay sidoo kale deeqeen ciidamo gaaraya 5,500 oo ah AMISOM.

Waxaa diyaariyay Maxamedkafi Ali Momin
Mohamedkafi01@gmail.com


Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666