Duqeen
ayaa duhurnimadii manta waxa loogeeystay xaafado ka mid ah magaalaada
Muqdisho gaar ahaan xafado ka mid ah degmooyinka yaaqshiid, Shibis
iyo Degmooyin kale oo ku yaala woqooyiga magaalada Muqdisho.
Qasaaraha haatan la xaqiijiyey ee ay madaaiicda sababtay ayaa
waxa lagu sheegay in ay ku dhinteen labo ruux halka ku dhowaad
10 kalana ay ku dhawacmeeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah ,waxaana
dadka dhaawaca ah qaadayey gaarida gurmadka deg dega ah.
Sida la sheegay madaafiicdan oo aan ujeedadeeda
la ogeeyn ayaa waxa ay ka soo dhaceeysay dhanka dowlada KMG iyo
AMISOM hasa ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in madaaficda ay
jawaab u ahaayd madaafiica lagu tuuray.
Daqiiqadaha maadaafiicda ay ka socdeen
magaalada Muqdisho oo ahaa kuwa Muqdisho laga maqlayey ayaa waxa
ay baqdin ku abuureen dad reer Muqdisho haba ugu darnaadaanee
kuwa degan deegaanada ay joogaa kooxaha Mucaardka kuwaasi oo rumeeysan
in uu dhici doono dagaal culus oo weerarkeeda ay leedahay dowlada
KMG ah oo maalmahii ugu dabanbeyey shaacisay in dagaal ay qaadeeyso.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|