War
ay qortay wakaalada wararka Yemen (Saba) ayay ku sheegtay in wasiirka
arrimaha dibadda Yemen Abu Bakr al-Qirbi uu kulan laqaatay isniin
shaley wafdi balaaran oo ka socda DKMG ah ee soomaaliya oo hadda
booqasho ku jooga dalka Yemen.
Wafdiga DKMG ah ee soomaaliya ayaa waxaa horkacaayay ku xigeenka
ra’iisul wasraaha DKMG soomaaliya, ahana wasiirka kalluumeysiga
iyo arrimaha qeeyradka badda Abdurrhman Adan ibbi.
Labada wafdi ayaa kulankooda waxa ay diirada
ku saareen xirka iskaashiga ee udhexeeya labadda wadan.
Saraakiisha kasocada DKMG ah ee soomaali
ayaa muujiyay sidda dowladda Yemen ay uga go’antahay xasilooni
ka dhalata wadanka soomalaiya
Dalka Yemen ayaa kaalinta kowaad kaga jira
marka loo eego dalalka carabra kale,kas oo soo dhaweeyay malayiinta
qof ee soomaalida ah ee ka baxsanaya colaadaha ka taagan wadankooda
Yemen waxaa ku nool oo hooy ay u noqotay
kumanaan qoxooti soomaali ah oo u badan haween iyo caruur,kuwaasi
oo markoodii hore siyaabo kalla duwan ku soo gaaray dalka ku yaala
gacanka cadmeed.
Boqolaal African ah ayaa maalin kasta gaara
xeebaha wadanka Yemen,waxaana ay u badan yihiin dadkaasi soomali
iyo Ethiopian,iyadoo ay soo raacan dad yow kale oo ka soo jeeda
wadanka Elateria
Dhacdadii ugu danbeesay ee dad rabay in
ay isku dayaan in ay gaaran wadanka Yemen ee ku geeriyooday biyaha
gacanka cadmeed u dhexeeya waxa ay dhacaday sabtidii tobaadkan,kadib
ugu yaraan 10 qof oo dhintay iyadoo in kabadan 30 kalena la la’yahay
meel ay ka baxeen,markii doon ay la socdeen ay ka ciladowday matoorka.
Dodobo qof oo la soo bad baadiyay ayaa
la sheegay in ay u dhasheen wadanka Ethiopia,kadib markii ay gurmad
u fidiyeen ilaalada xeebaha sanag ee Somaliland'.
In kabadn 300 oo qof ayaa ku dhintay doomo
ay la socdeen oo ku qalib matay biyaha Yemen u dhexeeya sanadkii
la soo dhaafay oo kaliya.
Sidda laga soo xigtay Ha’yadda QM,u
qaabilsan qoxootiga UNHCR ayaa sheegay in dadka ka soo baxasanya
colaadda ka tagaana dalka ku yaala geeska Africa ay kordheen 50%
sanadkii hore 2009-ka waxaana ay gaareen heerkii ugu sareeyay
74,000.
Waxaa diyaariyay Maxamedkafi Ali Momin
Mohamedkafi01@gmail.com
Muuse maxamuud Jiisow
somalisan39@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|