Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen Saraakiil kamid ah Ururka
Xisbul islaam iyo Odoyaasha iyo waxgadka beesha jajeelle, ayaa
ka shalay gilinkii danbe ka dhacay Hotel peace ee galbeedka Magaalada
B/weyne.
Fadhigan oo mudo saacado ah socda ayaa waxaa looga hadlaayay sidii
ay beesha ku taageeri lahayd Maamulka Ururka Xisbul Islaam,islamarkaasina
ku qaadan lahaayeen ku dhaqanka Shareecada islaamka,iyo in beesha
kasoo saarto maleeshiyooyin kamid ah oo lasafan dhinacyada Ahlu
suna iyo Dowlada KMG ah.
Nabadoon Daahiye Uulow
oo kamid ah waxgadkii ka qayb galay kulankan oo saxafada lahadlay
ayaa waxaa uu sheegay,in beesha ay saacdan laga bilaabo ay raacsan
yihiin Maamulka Xisbul Islaam,cidii dood ka qabtaana oo kamid
ah beesha ay ka hadli karaan.
Sh,Salmaan Sahal Muuse oo kamid ahaa saraakiishii ka qayb qaadatay
kulamadan, ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan beesha Jajeelle isla
garteen qodobadii laysla soo qaaday,islamarkaasina ay rajaynayaan
in kulamo nuucaan ah laqaataan dhamaan beelaha kale ee daga Gobolka.
Kulamadan ayaa sida muuqata waxa ay yihiin mid Xisbul Islaam ku
doonayaan sidii ay ku kasban lahaayeen beelaha daga Gobolka Hiiraan,waxaana
ay kusoo beegmayaan xili dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Xisbul Islaam
iyo Shabaabul Mujaahidiin qaybo kamid ah Gobolka ka wadaan Ciidamo
kala taabacsan Dowlada Iyo Ahlu suna Waljameeca.
geedibwyn@hotmail.com
Muuse maxamuud Jiisow
somalisan39@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|