Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed Sh Muuse Cigale oo sir badan siiyey TV-ga Chanel4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska


march:10 Source: Somalisan news

Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya oo isaga oo u waramayey TV-ga Chanel4 shaaca ka qaaday in laga awood badan yahay dawladdiisa, wuxuuna xilgaa la hadlayay mid ka mid ah Tv-yada laga leeyahay dalka Ingiriiska, wuxuuna sheegay in hadii aysan dalalka caalamku caawin dawladdiisa, aysan suuragal aheyn in lala wareego Soomaaliya, waa sida uu hadalka udhigaye.

sidoo kale Madaxweynaha KMG ah wuxuu tibaaxay in ay Al- Shabaab hada ka taliyaan guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, marka laga reebo 2 KM oo kutaala Waqooyiga magaalada, oo ay ku badan yihiin Beesha uu ka soo jeedo Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha KMG ah ayaa sheegay sidoo kale in ay markaas Al- Shabaab la wareegeen inta badan awooda dalka, isla markaasna wuxuu shegay in ay hada doonayaan in ay weerar ku soo qaadaan xarumaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya, waa sida uu sheegay Shariife.



Shariif ayaa tibaaxay in ay wax badan ka qaban doonaan xaaladaha Soomaaliya, isagoo tibaaxay in ay caawin ka heli doonaan waxa ugu yeeray dawladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya, isagoo ula jeeday in dagaal lugu qaado Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, inkastoo aan la garan karin, waxa ay dawladda Shariif kala kulmi doonto weerar ay ku qaado Al- Shabaab.

Saraakiisha dawladda KMG ah ayaa sheegtay in ay wax badan ka qaban doonaan xaaladaha Muqdisho, iyadoo la og yahay awooda dawladda KMG ah ay uleedahay in ay dhaqdhaqaaq ka samayso Soomaaliya, gaar ahaana goobaha ay maamusha oo xataa looga awood badan yahay.



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666