
Ergo ka socota dhinacyada dawladda KMG
ah oo maamusho inyar oo ka mid ah Muqdisho iyo cidamda ahlu diinka
ee Ahlu waljameeca oo ay xubno ka yihiin saraakiishii argagaxiso
la dirirka iyo xubno kale oo ka soo go.ay dhanka dowlada iyo dhanka
xoogaga wax iska caabinta isla markaana ka talisa degmooyin ka
mid ah Galguduud ayaa iskugu tagay, markii labaad dalka Itoobiya,
iyagoo ka wada hadlaya qorshe ay ku midoobayaan, oo ay gadaal
ka riixayso dawladda Itoobiya iyo dawladda Mareykanka oo doonaya
in ay labada dhinac isku milmaan, iyagoo aan horay ukala fogeyn
ama kala mawqif fogeyn.
Xubnaha dhinacyada ayaa todobaadkii ugu
dambeeyey ku jiray latashiyo kala gedisan, oo ay la kulmayen dhinacyada
ay matalayeen, waxa ayna kala hadleeyaan sidii ay uarkayaan qodobada
ay ka soo qaadeen shirkii magaalada Addis Ababa ee ay soo qabanqaabiyeen
dawladdaha Itoobiya iyo Mareykanka.
Ka qeybgalayaasha qaarkood ayaa sheegay
12-ka bishan ay saxiixi doonaan heshiiska rasmiga ah, kaas oo
lafilayay in la saxiixo horaantii bishan, balse ka fuli waayay
dhinaca Kooxda Ahlu Suna oo isku khilaaftay heshiiskaasi, hadeerna
la rumeysan yahay in uu wali jiro khilaaf udhaxeeya.
Dawladda Itoobiya oo howsha garwadeenka ah ayaa doonaysa in ay
labada dhinac si deg deg ah qodobadooda usaxiixaan, isla markaasna
ay go’aan rasmi ah ka gaaraan xaaladaha labada dhinac udhaxeeya,
iyadoo ka dibna doonaysa in ay taageero Milateri siiso Maleeshiyaadka
dhinacyada ee jooga deegaanada xadka ah, si ay weerar ugu qaadaan
goobaha ay gacanta ku hayaan Islaamiyiinta Soomaaliya.
Qodobadii hore qaarkood ayaa lafilayaa
in ay Ahlu Suna codsadaan in wax laga badalo, isla markaasna ay
ku daraan qodobo ay kala tagaan Saaxiibadooda jooga dalka, oo
ay isku khilaafen qodobada qaarkood, waxaana sidoo kale meesha
looga dhawaaqi doonaa jagooyinka ay kooxdaas helayso.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|