Barakac baahsan ayaa saakay ka bilowday degmooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho iyo saansaan colaadeed oo laga dareemayo magalada muqdisho?


march:11 Source: Somalisan news

Barakac baahsan ayaa saakay ka bilowday degmooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho iyo saansaan colaadeed oo laga dareemayo magalada muqdisho

Kadib markii shaley Dagaalo iyo Duqeymo sababay qasaaro culus oo soo gaarey dad rayid ah ay ka dhaceen xaafado kamid ah Degmooyinka C/asiis iyo kaaran islamarkaana ay ku dhexmareen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidamo ka tirsan Xaratakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa saakay xaafadahaasi qaarkood waxaa ka bilowday barakac baahsan.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmooyinka Kaaraan iyo C/asiis waxaa saaka halkaasi ka jira xaalad deganaansho oo aan cago badan ku taagnayn iyadoo saakay waaberigii mar kale uu halkaasi ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyey ciiidamada Dowlada KMG iyo Kuwa xarakatul shabaabul mujaahidiin wallow aan la ogeen qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.

Dadka ku nool degmooyinka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in saakay halkaasi uu ka bilowday barakac balaaran oo ay sameynayaan dadkii fara ku tirska ahaa ee ku harsanaa degmooyinkaasi kadib markii shaley dad fara badan oo rayid ah ay ku dhinteen madaafiic ku dhacdey degmooyin kamid ah kuwa waqooyi ee magaalada Muqdisho sida uu

sheegey mid kamid ah dadka deegaankaas.


Wararka qaar ayaa sheegay in ay sii kordhayaan qasaarihii ka dhashay duqeyntii iyo dagaaladii shalay galinkii dambe ka dhacday Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Muqdisho waxaana saakay la sheegayaa in xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid ay yaalaan ilaa 11 qof oo ku geeriyooday madaafiicdii shalay kuwaasi oo 5 ka mid ah ay ahaayeen dad isku qoys ah sida uu sheegay mid ka mid ah waxgaradka ku nool degmada Yaaqshiid.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Wasaarada gaashandhiga dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde ayaa sheegay in uu ka xunyahay qasaaraha soo gaaray dadka rayid ah isagoo intaasi ku daray in saxaafada ay u soo bandhigi doonaan maxaabiis iyo meydad uu sheegay in ay ka qabteen dhinacyadii la dagaalamay, waxaa uuna tilmaamay in dagaaladii shalay ay ka gaareen guulo militari sida uu hadalka u dhigay.



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666