Qaramada Midoobay iyo dowladda KMG oo sheegay in baaritaani ay ku hayaan wararka sheegaya in la musuq maasuqay Raashinka Gargaarka Soomaaliya iyop Fiisooyinka Siyaasiyiinta Soomaaliya?


march:11 Source: Somalisan news

Qaramada Midoobay iyo dowladda KMG oo sheegay in baaritaani ay ku hayaan wararka sheegaya in la musuq maasuqay Raashinka Gargaarka Soomaaliya iyop Fiisooyinka Siyaasiyiinta Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa arimaha Soomaaliya Axmed Old Caballah oo wareysi siinayey TV-ga afka Carabiga ku hadla ee Al-jazeera ayaa sheegey in ay ka jawaabi doonaan Baaritaano islamarkaana go’aan ka qaadandoonaan waa haddi uu sax noqdo wararka kasoo baxay gudi cusub oo ka soo baxay xafiiska howlaha dabagalka Qaramada Midoobay oo ahaa in raashinka gargaarka ee Q/M lagu tagrifalo loona adeegsado arimo siyaasadeed iyo ganacsi.

Axmed Old Candalla ayaa sheegay in wadamada Afrikaanka ah ay yihiin kuwa dhib badan marka laga hadlayo raashinka uu siiyo barnaamajka cuntadda aduunka ee WFP isagoo sheegay in Soomaaliyana uu yahay wadan dadkiisa ay saameeyeen dhibaayin dagaalo, barakac baahsan, abaaro iyo dhibaatooyin kale waxa uu sheegay in isaga iyo xoghayaha guud ee Qaramada midoobay MR Ban-ki Moon aysan marnaba aqbali doonin waa haddii ay xaqiiqo noqoto warka kasoo baxay group-ka dabagalka ee jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa isagoo intaa ku daray in ay talaabo qaadi doonaan.


Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaalyi oo ah mid daba socdo hadal aan si rasmi ah go’aan looga qaadan oo kasoo baxay gudiga dabagalka Qaramada Midoobay u qabilsan Soomaaliya ee dhinaca gar ayaa sheegay in loobahan yahay in si buuxdo loo xaqiijiyo islamarkaasina hawlahaasi ay haatan ku mashquulsan yihiin isagoo sheegay in ay suuragal noqon karto.

Dhanka kale Wasiirka Lacagta dowladda KMG Ing Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in dowladda KMG ay soo dhaweynayso baaritaanada ay samaysay qaramada Midoobay isagoo sheegay in hadii ay cadaato iyo hadii kalaba eedeymaha lagu soo eedeyay dowladda KMG ay talaabo qaadi doonaan islamarkaana gudi baara ay u sameyn doonaan



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666