
Madaxweyne Shariif oo khudbad xasaasi u
jeediyay Jaaliyada Soomaalida ku nool Magaalada London
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo xalay khudbad
dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Jaaliyada Soomaalida ee
ku dhaqan magaalada London ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada dalka
uu marayo.
Madaxweyne Shariif ayaa ugu baaqay dadka qurbaha ku nool in ay
gacan ka geysteen sidii dalka loo samata bixi lahaa, isla markaana
ay gar gaari lahaayeen dadka tabaaleysan.
Waxaa uu sheegay Jaaliyada Soomaalida looga baahan yahay in ay
Nabada Soomaaliya ka qeyb qaataan, isagoo xusay in ay jiri karaan
dad ku jira Jaaliyada oo fidno wada.
"Sidaad la socotaan hadii aadan gacan ka geysanin xaalada
dalka uu jiro waa ay sii xoogeysaneysaa, waxaan nala haboon inaan
u midowno"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in Kooxaha
dowladda ka soo horjeeda ay dadka ku qaldayaan afkaar diin.
Madaxweynaha ayaa xusay in dadka ka soo horjeeda dowladdiisa ay
marin habaabinayaan dadka dhalinyarada, isla markaana qaab qaldan
ay wax ugu sheegayaan oo aan diinta Islaamka waafaqsaneyn.
"Dadka hada dilka iyo dhibaatada ka wada waan ka xumahay
inaan dhaho qeyb ka mid ah waan isla soo shaqeynayay, qaarkood
xilligii Maxaakimta guryahooda ayaa ugu tagay"ayuu yiri Madaxweyne
Shariif.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Ingiriiska ay isku afgarteen
in dib loo furo Safaaradii Soomaaliya, isagoo meesha ka saaray
wararka sheegaya in Safaaradaha dibada la xirayo.
Dadkii dhageysanayay ayaa si aad u soo dhoweeyay hadalkaas, waxaana
qaarkood oo wajiyadooda ka muuqatay xamaasad aad u soo jiitay
Khudbada Madaxweyne Shariif uu u jeediyay.
Madaxweynaha ayaa berri u baqoolaya Magaalada labaad ee Ingiriiska
ee Birmingham, halkaasoo uu kula hadli doono soomaalida ku dhaqan
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|