
Wararka ka soo baxay dagaalka culus oo saaka
dib uga qarxay woqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalka
u dhaxeeya ciidmada dowlada oo garab ka helaya kuwa Amisom iyo
xoogaga hubeeysan uu sii lixaadsaday iyadoona degmooyinka woqooyi
ee magaalada Muqdisho madaafiica lagu garaacayo.
Ciidamada Midoowka AFrika ee Dagalka saaka ka qeyb galay ayaa
lagu waramayaa in ay madaafiic ku garaacayaan qaar ka mid ah degmooyinka
Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa dagaalada ay ka socdaan iyo
kuwa kale.
Dhawaqa Madaafiicda ayaa laga maqlayaa dhamaan qeybaha kala duwan
ee magaalada Muqdiho waxaana jira Madaafiic hawow ah oo ku dhaceeysa
qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdhso ee uu ka mid yahay Suuqa
Bakaraha , iyadoona qaar ka mid wodooyinka Magaalada Muqdisho
lagu arkayo qoysas naftooda kala soo baxsanaya degmooyin ay ka
mid yihiin Karaan,Yaaqshiid, C/Casiis,Boondheere iyo Qeybo ka
mid ah degmada Hilwaa ka dib markii ay sameeyen madaafiicda iyo
dagaalada haatan socda.
Ciidamada Midoowka Afrika ee dagaalka haatan socda qeyb ka ah
ayaa la sheegayaa in ay damacsan yihiin fariisimo cusub in ay
ka dameeystaan woqooyiga magaalada Muqdisho ka dib markii shalay
iyo saaka labo jeer Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay soo jabsadeen
dhufeysyo ay ku jireen ciidamada Dowlada, waxaana la arkayaa ciidamada
Amisom oo soo diyaarsaday siliga ay ku ootaan goobaha ay degaan
taasi oo ka dhigi karta in ay fariisin ka sameeystaan woqooyiga
magaalada Muqdisho.
Lama sadaalin karo natiijada dagaalka hasa ahatee waxa hubaal
ah in dagaalkan haatan socdaa sababayo qasaaro badan oo kala gaara
dhinacyada dagaalamay marka loo fiiro hubka aagaga dagaalka ka
dhacaya.
Waxii soo kordha kala soco wararkeena danbe.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|