
Dagaalo ayaa saaka mar kale dib uga qarxay
qeybaha waqooyiga Muqdisho, iyadoo dagaaladan saaka ay yihiin
kuwo waji cusub oo ay si toos uga qeyb galeen Ciidamada Amisom,
kadib markii dagaalkii shalay ay galeen dib uga soo laabteen.
Dagaaladan ayaa mar kale dib uga bilowday aagagii shalay la isku
fara saaray, waxaana uu ka dambeeyay, markii ciidamada dowladda
isaga soo baxeen goobihii shalay Taangiyada Amisom u xoreeyeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom si rasmi ugu qalab
qaateen dagaalka, waxaana la sheegayaa in ay damacsan yihiin in
ay fariisimo rasmi ka sameysteen aagaga waqooyi.
Goobaha sida xoogan uga socdaan ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka
Shibis, C/casiis iyo Kaaraan oo ay marti geliyeen dagaaladii ka
dhacayay bilihii la soo dhaafay oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda
iyo kooxaha mucaaradka.

Jugta culus ee madaafiicda qoryaha taangiga iyo BM-ka ayaa gees
ka gees laga maqlayaa magaalada oo dhan, iyadoo dadka Muqdisho
uu ku jiro dareen aad u kacsan, marka loo eego daruuraha colaadeed
ee magaaladu ay dhex hoganeyso.
Ciidamada Amisom oo watay taangiyo oo ay wehliyeen baabuuro agab
u sida iyo gawaarida loo yaqaano Katarbeelo ayaa la arkayay iyagoo
sii galaya waqooyiga Muqdisho, waxaana tani micnaheeda tahay in
ciidamada meelaha ay dagaan ay dhufeyso ka qodan rabaan amaba
ay aasi rabaan wadooyinka ay dhulka u qodeen mucaaradka ee dhufeysyada
ka dhigteen.
Dagaalka saaka dib u qarxay ayaa u muuqda inuu yahay diyaar garowgii
dagaal ay waday dowladda, marka loo eego sida ay Ciidamada Amisom
ugu qalab qaateen
Ciidamada Midoowka Afrika ee dagaalka haatan socda qeyb ka ah
ayaa la sheegayaa in ay damacsan yihiin fariisimo cusub in ay
ka dameeystaan woqooyiga magaalada Muqdisho ka dib markii shalay
iyo saaka labo jeer Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay soo jabsadeen
dhufeysyo ay ku jireen ciidamada Dowlada, waxaana la arkayaa ciidamada
Amisom oo soo diyaarsaday siliga ay ku ootaan goobaha ay degaan
taasi oo ka dhigi karta in ay fariisin ka sameeystaan woqooyiga
magaalada Muqdisho.
Lama sadaalin karo natiijada dagaalka hasa ahatee waxa hubaal
ah in dagaalkan haatan socdaa sababayo qasaaro badan oo kala gaara
dhinacyada dagaalamay marka loo fiiro hubka aagaga dagaalka ka
dhacaya.
Waxii soo kordha kala soco wararkeena danbe.
.jpg)
.jpg)
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|