Facebook agaasimeheeda oo loo heysto dacwada la xidhiida dhanka Pasword-ka.


march:11 Source: Somalisan news




Ka dib markii uu cirka isku shareeray dacwooyin xoogan oo loo heysatay dhamaan shaqaalaha iyo milkiilaha shabakada baaxada weyn ee Facebook ayaa waxaaa haatan ay mareysaa dacwadaasi heer maxkamadeed.

Mark Zuckerberg oo ah agaasimaha guud ee shabahadaasi ayaa haatan waxaa si gooni ah loogu heystaa in uu ka danbeyay dhac badan oo loo geystay macaamiisha adeegsatada facebook.

Zuckerberg madaxa Website-ka Facebook oo ah aalada xiriirka dadweynaha ee aduunka ugu horeysa ayaa la sheegay in uu laba jeer uu quftey xogta iyo sirta web site-ka BusinessInsider.com oo ah mid tartan kula jira web-ka Facebook ee xiriirka dadweynaha.

Sidoo kale, Zuckerberg oo sheegtey in uu leeyahay fikrada aasaaska Facebook waxaa hadalkaasi ku gacan sayrey ardey ay wax iska baran jireen Kuliyada Harvard’s kuwaasi oo ku eedeeyey ninkaasi uu ka xadey fikrad ay u soo jeediyeen in uu wax kala qabto oo aheyd sameynta web site bulshada aduunka isku xira, waxaana eedeynta lagu sheegay in Zuckerberg markii uu helay fikirkaasi uu iskiis u sameystey Facebook arintaasi oo ilaa iyo hada dacwada ku saabsan ay wali ka socoto maxkamadaha wadanka Mareykanka.



Wargeyska ay soo saareen ardeyda Jaamacada uu dhigan jirey Zuckerberg oo lagu magacaabo Crimson ayaa sanadkii 2004-tii waxaa lagu qoray maqaal isaga ku saabsan, waxaana la sheegay in uu xiligaasi jabsadey e-mailka wargeyska Crimson, sidoo kale waxaa eedeynta lagu sheegay in wiilkaasi quftey e-mailada wariyeyaal.
Eedeymaha loo haysto Agaasimaha Facebook waxaa lagu sheegay in ay ku kici karaan aduun lacageed oo gaaraya 65 milyan oo doolar.

Dacwad ay qaaday maxkamada Boston sanakdii 2007-dii waxaa lagu xukumay maamulka Facebook inay bixiyaan 65 milyan oo doolar taasi oo ku aadan eedeymaha maskaxdii sameynta Facebook, inkastoo qoraal ahaan iyo taariikh ahaan loo helay in xubno ay ka mid yihiin Dustin Moskovitz, Eduardo Saverin, and Chris Hughes ay kula qoran yihiin inay ka mid yihiin aasaasayaasha Facebook oo ay hada isticmaalaan 350 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku dhaqan.



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666