

mudo halsano oo ay xirnanyeen ka dib ayaa 7 ka mid ah ilaa maxaabiis
burcad badeed somaliyeed oo gareysa 100 waxaa ay ka soo hormuuqdeen
maxkamad ku taal dalka kenya taas oo ku riday 20 sanno oo xarig
adaga ah midkiiba
Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa ku
xukuntay 7-burcadbadeed oo ay soo qabteen ciidamada NATO ee ku
sugan Xeebaha Somalia sannadkii 2008 min sideed sano oo xarig
ah.
Dhallinyaradan ayaa la sheegay inay isku
dayayeen xilligaas inay dhac u geystaan markab ganacsi oo lagu
magacaabo MV Powerful kaasoo ku safarayay Gacanka Cadan halkaasoo
ah goobta ugu mashquulka badan Adduunka ee ay marakiibtu maraan.
Burcadbadeeddan ayaa lagu xukumay min 20-san
ooo xariga ah iyagoo ku biiraya 10-burcadbadeed oo horay xukun
min 7-sano ah loogu riday, kuwaasoo ku xiran xabsi ku dhow Magaalada
Mombassa ee dalka Kenya.
Howlgalkii lagu soo qabtay burcadbadeeddan
xukunka lagu riday shalay oo Arbaco ahayd ayaa waxaa ku dhintay
laba ka mid ah saaxiibadood, kaddib markii uu dagaal dhexmaray
iyaga iyo Markab dagaal oo Ingiriisku leeyahay.
Qaaliga Maxkamadda xukunka fulisay ayaa sheegay in dacwaddooda
ay muddo dheer soo socotay ayna ugu dambeyn qaateen go'aanka ah
inay maxkamada hor keenaa, ayna ku xukumaan sannado badan dambigooda
awgood.
Dalka Kenya ayaa waxaa lagu hayaa 100-qof
oo looga shakisan yahay inay yihiin burcadbadeed, iyadoo sarkaal
u hadlay Booliisku uu sheegay inay yihiin Maxkamad sugayaan lana
soo taagi doono goor dhow maxkamado.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|