
Gudoonka Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa
sheegay in aanay waxba kala socon safarka Magaalada Garoowe ee
Caasimada Puntland ay ku tageen ku dhawaad 10 xildhibaan oo ka
tirsan Barlamanka KMG.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamanka
kMG ee Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore oo la hadlay warbaahinta
ayaa uu ka hadlay ku dhawaad 10 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka
KMG ee Soomaaliya oo ka soo jeeda Maamul goboleedka Puntland kuwaasi
oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamul goboleedka Puntland.
Waxaa uu sheegay in gudoonka sare uusan
waxba kala socon safarka ay xildhibaanadaasi ku tageen Maamul
goboleedka Puntland kuwaasi oo uu sheegay in ay qeyb ka ahaayeen
xildhibaano ku sugnaa mudooyinkii ugu dambeeyay wadanka Kenya,waxaana
uu intaasi raaciyay in kulamo ay la qaateen Madaxda sare ee Maamul
goboleedka Puntland kaasoo uu sheegay in uu Maqlay in looga hadlayay
xalinta khilaafaadka ka dhex taagan maamulka Puntland iyo dowlada
KMG.
Shalay galinkii dambe ayay aheeyd Markii xildhibaano ka tirsan
Barlamanka kMG ee ku sugan Magaalada Garoowe ay kulan albaabadu
u xirnaayeen la qaateen madaxweynaha Maamulkaasi iyo goliha wasiirada
Puntland kaasoo looga hadlayay sidii loo wanaaji lahaa xiriirka
ka dhaxeeya dowladda KMG iyo Maamulka Puntland.
Xubnaha ka tirsan Barlamanka Soomaaliya
ee ku sugan Magaalada Garoowe ayaa ah xildhibaanadii ugu horeeyay
ee ku jira barlamanka dowladda KMG oo gaara Maamul goboleedka
Puntland tan iyo wixii ka dambeeyay khilaafkii soo kala dhexgalay
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Madaxweyne Sheekh
Shariif Sheekh Axmed kadib kulan ka dhacay Nairobi.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|